Rusta och Matcha somaliska
Waxaan kaa caawinaynaa shaqada ama waxbarashada!
Waxaad naga helaysaa:
- Kal-kaaliye kuu gaar ah
- Daraasad
- Qorshe horumar oo kuu gaar ah
- CV-ga iyo warqadda qof ahaaneed
- Tababarka interfiyuuga
- In lagaa caawiyo shaqo raadinta
- la xidhiidhi taanka shaqo-bixiyaha
- Fahanka xirfadaha iyo wax-barashada
- Kulammo iyo hadal jeedinno
- Taageero luqadda ah
- Macluumaadka bulshada
- Barashada kombiyuutarka
- Waxa kale oo jira
Mar rabtaa inaan kula soo xidhiidhno?
Halkan hoose ku qor macluumaadkaaga, waxaa kula soo xidhiidhaya qof naga mid ah.
Waa maxay Rusta och Matcha?
Rusta och Matcha waa kaalmo gaar ah oo dheera ah markaad tahay qof shaqo doon ah ama raba inuu wax barasho bilaabo.
Yaa ka qayb qaadan kara Rusta och Matcha?
Si aad uga qayb qaadatid Rusta och Matcha waa inaad ka diwaan gashanaato Xafiis Shaqada isla markaana uu kuu oggolaado kal-kaaliyahaagu in aad ka qayb qaadatid borogaraamkan. Waxyaabaha ka dhigaya inaad xaq u leedahay borograamkan iyo in kale, waa tusaale ahaan, in shaqo helistu kugu adkaatay ama aad muddo badan shaqo la ́aan ahayd, haddii ay wax barashadaadu hoosayso oo markaa fursadda shaqo helistu ay yartahay, haddii aad tahay qof naafo ah, haddii aad waddanka ku cusubtahay oo aqoontaada afka iswiidhishku hoosayso iyo/ama inaad 55 sano ka weyn tahay.
Qaabka loo dalbanayo
Sidee caawimo ku helaysaa?
La xidhiid Xafiiska shaqada
La hadal kal-kaaliyahaaga xafiiska shaqada una sheeg in aad rabtid inaad bilowdid Rusta och Matcha. Waxay eegayaan baahidaada si ay u go ́aamiyaan inaad bilowdo qoorshahan.
Noo dooro inaan kuu fulinno
Hadii laguu oggolaado inaad ka qayb qaadato Rusta och Matcha dooro fuliyahaaga. Si aad u dooratid HAGA Rekrytering usheeg Xafiiska shaqadag KA-lambarkayaga marka aad dalbanayso.
Kulan nala qaado
Marka aad diwaan geliso rabitaankaaga HAGA Rekrytering in ay kuu fuliso Rusta och Matcha – waxaan kuugu wacaynaa kulanka bilowga.
La xidhiidh xafiiskayaga
Angereds Torg 9, 424 65 Angered
KA-nummer: 10072338
Föreningsgatan 26, 211 52 Malmö
KA-nummer: 10072331
Linjetvågatan 2, 212 52 Malmö
KA-nummer: 10072331
Stadiongatan 65, 217 62 Malmö
KA-nummer: 10072331
Norra Bulltoftavägen 65G, 212 43 Malmö
KA-nummer: 10072331
Bredgatan 11, 252 25 Helsingborg
KA-nummer: 10072334
Storgatan 18 A, 241 30 Eslöv
KA-nummer: 10075733
Kungsgatan 44, 374 36 Karlshamn
KA-nummer: 10073504
Yaannu nahay?
HAGA Rekrytering waa shirkad abaabul iyo shaqaaleqoris oo ka caawisa shaqo-raadiyaha iyo shaqo-bixiyuhu in ay is helaan iyadoo la adeegsanayo adeegsiga ”Diyaar garayn iyo Shaqo la raadin” (Rusta och Matcha). Waxaan leenahay xidhiidh fara badan, waxaanan ka shaqaynaa in aad sida ugu dhakhsaha badan ku gashid shao ama waxbarasho.
Ma kaga qayb qaadan karaa Rusta och Matcha af kale?
Haa, HAGA Rekrytering waxaad kaga helaysaa caawimada Rusta och Matcha afkaaga hooyo, maadaama aan haysanno gacanyarayaal ku hadla afaf badab sida ingiriisi, carabi, turki, faarsi, kurdi, soomaali, seerbiyaan, koroeeshiyaan, boosniyaan, makhadooniyaan, ruush iyo kuwo kale oo badan.



